Waxaa maalintii labaad galay Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada oo ka soconaayo magaalada muqdisho

Date:

Waxaa maalintii labaad galay Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada oo ka soconaayo magaalada muqdisho

Shirka waxaa Guddoominayay Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana goobjoog ahas Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Iyo Wasiiradda Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya.

Maalinta 2aad ee shirka waxaa loogu soo bandhigay loogana hadlay hawlaha muhiimka ee horyaalo Wasaaradaha Caafimaadka iyo sidii la iskaga kaashan lahaay hormarinta adeega Caafimaadka dalka, Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyay warbixino kooban oo ku saabsan Horumarka laga sameeyay hawlaha Caafimaadka heer maamul Gobaleed iyo caqabadaha hortagaan ee u baahan in si wadajir ah looga tashto.

Inta uu Shirka socday waxaa la soo bandhigay warbixno ku saabsan mashaariicda ka socdo Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, iyo meesha ay marayaan iyo waxa uu qabsoomay taasoo ay soo bandhigeen dhamaan Waxaayaha Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, ka koobanatahay.

Shirka Waxaa oo looga hadlay arimaha la xariira kasoo kabashada caabuqa COVID-19 oo dhibaata xoogan gaarsiiyay Bulshadda Soomaaliyeed iyo sidii looga xakamayn lahaa looguna diyaar garoobi lahaay haday timaado xaalad degdeh ah.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay oo warbixin kooban laga dhagyastay Barnaamijka kajaeaabidds Caabuqa Covid29 iyo Mashruuca Marwo Caafimaad oo ah barnaamij wayn kaaso oo caawiya Dumarka Soomaaliyeed gaar ahaan Hooyadda & Dhallanka , Barnaamijka Marwo Caafimaad ayaa qayb wayn ka ah maalgelinta waaxda caafimaadka, oo ay ku jirto taageeridda iyo kor u qaadista kartids Marwo Caafimaad (Famliy Health Workers (FHW).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...