Waxaa maalintii labaad galay Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada oo ka soconaayo magaalada muqdisho

Date:

Waxaa maalintii labaad galay Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada oo ka soconaayo magaalada muqdisho

Shirka waxaa Guddoominayay Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana goobjoog ahas Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Iyo Wasiiradda Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya.

Maalinta 2aad ee shirka waxaa loogu soo bandhigay loogana hadlay hawlaha muhiimka ee horyaalo Wasaaradaha Caafimaadka iyo sidii la iskaga kaashan lahaay hormarinta adeega Caafimaadka dalka, Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyay warbixino kooban oo ku saabsan Horumarka laga sameeyay hawlaha Caafimaadka heer maamul Gobaleed iyo caqabadaha hortagaan ee u baahan in si wadajir ah looga tashto.

Inta uu Shirka socday waxaa la soo bandhigay warbixno ku saabsan mashaariicda ka socdo Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, iyo meesha ay marayaan iyo waxa uu qabsoomay taasoo ay soo bandhigeen dhamaan Waxaayaha Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, ka koobanatahay.

Shirka Waxaa oo looga hadlay arimaha la xariira kasoo kabashada caabuqa COVID-19 oo dhibaata xoogan gaarsiiyay Bulshadda Soomaaliyeed iyo sidii looga xakamayn lahaa looguna diyaar garoobi lahaay haday timaado xaalad degdeh ah.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay oo warbixin kooban laga dhagyastay Barnaamijka kajaeaabidds Caabuqa Covid29 iyo Mashruuca Marwo Caafimaad oo ah barnaamij wayn kaaso oo caawiya Dumarka Soomaaliyeed gaar ahaan Hooyadda & Dhallanka , Barnaamijka Marwo Caafimaad ayaa qayb wayn ka ah maalgelinta waaxda caafimaadka, oo ay ku jirto taageeridda iyo kor u qaadista kartids Marwo Caafimaad (Famliy Health Workers (FHW).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Taliska Tababarrada CXDS oo tababar dalka Rwanda ugu soo xiray Saraakiil Ciidan

Taliyaha Taliska Tababarada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto...

Wasiirka Ganacsiga oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ganacsato ajaanib ah

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Jamaal Maxamed...

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Hirshabeelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...