DAAWO Argagixisada Al shabaab oo Qarax la eegatay Goob gaadiidka dadweynaha ay ka baxaan isla markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah

Date:

Kooxaha argagaxisada ah ee Al shabaab ayaa Qarax la eegtay Goob gaadiidka dadweynaha ay ka baxaan isla markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah gudaha magaaladda Baraawe.

 

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay halka 8 Ruux oo 7 kamid ah Shacab yihiin ay ku dhaawacmeen qarax Miino oo Barqanimadii Maanta ka dhacay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Qaraxa ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu ahaa miino la geliyay Maqaaxi Shaaha laga cabo oo kutaalla Busteejada laga raaco gaadiidka aada dhinaca degaanka Kuunya-barow, waxaana xilliga qaraxa uu dhacayay ay goobta aheyd mid mashquul badan.

 

Axmed Abuukar Sabriye Wariyaha warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qasaare kala duwan uu ka dhashay Qaraxaasi balse sida cadowga uu doonayay aysan noqon.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...