Madaxweyne Qoor Qoor oo booqday deegaanka Cadakibir

Date:

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, deegaankaas oo ay kooxda Argagixisada ah ka jareen isgaarsiinta iyo biyaha, kadib markii ay miinooyin ku xereen xarumaha isgaarsiinta iyo ceel biyood ay ka waraabayeen dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Cada Kibir.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageestay gudoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay dadka deegaanka oo iskood isku hubeeyay si ay iskaga dhiciyaan kooxda Argagixisada oo caadeesatay boobka hantida dadka iyo daadinta dhiiga shacabka, iyadoona iminka ay ku sii dareen in ay ceel biyoodyada miinooyin ku qarxiyaan xilli abaar baahsan ay ka jirto guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo argagixisadu aysan Soomaaliya kuwada noolaan karin, loona diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa, looguna tagi lahaa deegaanada kooban ee ay ka joogaan Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayn ku ammaanay shacabka iyo culimada deegaanka Cada Kibir sida ay ugu diyaar garoobeen inay argagixisada Al Shabaab iska dulqaaadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sarreeye Gaas Odawaa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo su’aalo laga weydiiyey Dagaalka ka Dhanka ah Khawaarijta*

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin...

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS oo ka dooday Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta.

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha...