Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay Guddoonka Jaaliyada iyo Ganacsatada Magaalada Johannesburg ee dalka south Africa

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFSย  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi iskugu jira ganacsatada iyo Gudoonka Jaaliyadda Soomaaliyeedย  ee ku nool Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha ayaa ganacsatadaย  Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda ku nool dalkaasiย  uga mahadceliyey kulankaan islamarkaana kula dardaarmay in isku xirnaan iyo midnimo muujiyaan.

“Runtii farxad ayey ii tahay aniga iyo wafdigeyga in aan idiinla kulmo ganacsatadaย  ku nool magaladan Johannesburg ee Koofur Afrika waxaan idinkula dardaarmayaa in aad muujisaan midnimo iyo wadajir iskuna gacan qabataan caawinta kiina dhibaataysan” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa ganacsatada iyo guud ahaanba Soomaalida ku nool Dalka koonfur Africa kula dardaarmay in ay qayb ka noqdaan caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira gobolada Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...