Madaxweyne Deni oo maanta dhaggax dhigay dhismaha Wadada isku xirta degeeganada Dangoroyo iyo Eyl

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Wadada isku xirta degaanada Dangoroyo iyo Degaanka  Eyl ee Gobolka Nugaal.

Wadadan oo dhererkeedu yahay 105KM ayaa waxaa dhisaysa Dowladd goboledka  Puntland waana qorshaha Dowladda ee Cashuurta dalka dib loogu celinayo laguna dhisayo, Iyadoo Bulshada deegaankuna ka qeyb qaadanayaan.

Munaasabadda dhaggax dhiga Wadada Dangoroyo-Eyl, waxaa kala qeybgalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Degmada Dangoroyo, Waxgaradka, Nabadoonada, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Dangoroyo, dhammaantood dadka deegaanka ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha dhismaha Wadadan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...