{ SAWIRO} Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo xarumo kale

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi iyo madaxda kale ee Wasaaradda ayaa Madaxweynaha iyo Waftigiisa ku soo dhoweeyay xarunta Wasaradda.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Xassan Shire Cabdi ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha qaabka ay u shaqeyso Wasaradda iyo shaqada ay bulshada u hayso, iyada oo uu madaxweynuhu kormeeray xafiisyada kala duwan ee Wasaardda.

Dhica kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqaday Xarunta Bankiga Dowladda iyo Dhismaha Xarunta Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...