Maamulka Puntland oo Galmudug ku wareejiyey Deeq Raashin iyo Shidaal isugu jirta oo loogu talagalay in looga qayb qaato ladagaalanka Argagixisada Deegaanada ay ka haysato Galmudug

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo uu wehlinayo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maxamed Waloore iyo Guddoomiye kuxigeenka Dagmada ayaa ku wareejiyey Maamulka Galmudug Deeq Raashin iyo Shidaal isugu jirta oo loogu talagalay in looga qayb qaato ladagaalanka Argagixisada Deegaanada ay ka haysato Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug iyo ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug ayaa Deeqdan kala wareegay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Puntland Mudane Faysal Sheikh Cali.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa sheegay in ahmiyada 1aad ee hogaamintiisu siindoonto ladagaalanka Argagixisada Alshabaab, isagoona umada Soomaaliyeed ugu baaqay in laga hortago cidkasta oo aragta wax lidi ku ah amniga ama shaki dareentana inay laamaha Amniga la soo xiriiraan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulanka 150-aad ee Baarlamaanka Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Raโ€™iisul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga iyo wasiirkii hore ee Wasaaradaas

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Raโ€™iisul Wasaare Xamse โ€œ Booqashada Laascaanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka XFS iyo SSC Khaatumoโ€

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...