Kulan looga hadlayay dardar galinta shaqada iyo horumarinta oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Date:

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ay Weheliyaan Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ayaa Kulan isla Xisaabtan iyo isxog waraysi isugu jiray la qaatay Gudoomiyaasha Xaafadaha , Ku Xigeenadooda , Xoghayaasha , Agaasimayaasha, lataliyaasha, madax qeybeedyada iyo shaqaalaha Maamulka Degmada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa warbixin guud oo waxqabadka iyo halka shaqadu marayso la xiriirta looga dhageystay Gudoomiyaasha shanta Xaafadood ee Wadajir , Howlwadaag, Garsoor , Horumar iyo Horseed iyo Agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee Dowladda Hoose si loo dardar geliyo shaqada hortaala Mamulka Degmada, Meeshana looga saaro wixii gaabis ah oo jira.

Ugu dambeyn Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa kula dardaarmay Gudoomiyaasha Xaafadaha, Agaasimayaasha iyo Dhamaan hawlwadeenada Dowladda hoose in ay dardar geliyaan shaqada hortaala sida nadaafadda, iftiiminta iyo bilic soo celinta Magaalada , Amniga , canshuur aruurinta iyo horumarinta Wadooyinka dhismahoodu socdaan, isagoo sheegay in masuul kasta lagula xisaabtamayo shaqada loo igmaday, qofkii kasoo bixi waaya hawshiisana talaabada ku haboon laga qaadi doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...