Madaxweynaha Qaranka Oo Aqbalay Magacaabista Maamulka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo jeedinta Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Xubnaha Guddiga Maamulka Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadkeenna dhibaateysan, waxa uuna Golaha Xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta Xubnaha Guddiga Maamulka Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka oo Goluhu cod buuxa ku ansixiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya codsiga Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa wareegto Madaxweyne ku soo saaray Guddiga Maamulka Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah;

1. Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi- Guddoomiye
2. Dr. Axmed Cabdi Aadan. Guddoomiye Ku-Xigeen
3. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan Agaasime
4. Marwo Luul Axmed Coloow Agaasime
5. Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali Agaasime

Madaxweynaha ayaa u rajaynaya Guddigan in Alle uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda Qaran ee loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmaya in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dadkooda Soomaaliyeed iyo dalkooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale