Ciidanka Xoogga Dalka oo deegano badan oo katirsan gobalka Hiiraan kala wareegay Argagixisada Al-shabaab

Date:

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka degaanka ee Macawiisleyda ayaa Argagixisada arxanka daran kala wareegay degaananda kala ah Teedaan,Ragso,Xasan Raqay,Sulmo oo dhamantood hoostaga degmada Maxaas ee gobolka hiiraan.

Intii Hawlgalku socday Argagixisadu waxay isku dayeen iskacaabin balse ciidanku waxay mariyeen cagta iyadoo laga dhigay wax la dilay, wax la qabtay, waxa la sii baacsanayo, waxaana ka mida dadka la dilay horjoogihii Argagixisada u qabilsanaa deegaanadaas kaas oo lagu magacabay Maxamed Wehliye Waasuge sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariful Arwaax) Oo Hogaaminaya Hawlgalka ka soconaya gobolka Hiraan.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa waxa uu mahadceliyey Saraakiisha , Askarta naftood hurayaasha ah Ee Ciidamada qalabka sida & bulshada Degaanka oo u horkacayo maamulka gobolka Hiraanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...