Munaasabad loogu dabaal-dagayay Sanad guurada 16-aad ee kas oo wareegatay aas aaskii Galmudug oo lagu qabtay magaalada Johannsebrug

Date:

Munaasabad loogu dabaal-dagayay Sanad guurada 16-aad ee kas oo wareegatay aas aaskii Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Johannsebrug ee dalka Koonfur Afrika.

Xaflada oo aheyd mid aad ubalaaran ayaa waxaa kas oo qeyb-galay qeybaha kala duwan ee Jaaliyada kuwaas oo isugu jira Odayaal,Ganacsato,Waxgarad iyo boqolaal dhalinyaro ka kala yimid magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.

Intii ay socotay Munaasabadan waxaa qadka telefoonka ugu qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) isagoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku boogaadiyay ka warqabka dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu ugu baaqay inay Jaaliyadda kasoo jeeda Gobolada dhexe ay kasoo qeyb-qaataan gurmadka dadka abaaruhu ku saameeyeen dalka gaar ahaan deegaanada Galmudug.

Gabagabada Munaasabada ayaa waxaa Shahaadooyin la gudoonsiiyay qaar ka mid dhalinyaradii soo abaabusha xaflaad waxaana sidoo kale xaflada sanad-guurada aas aaska Galmudug lagu qabtay Magaalada Johannsebrug ee dalka Koonfur Africa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...