Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasiirkii hore

Date:

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga XFS Xildhibaan Jibriil Abdirashiid Xaaji, Wasiiru-dawlaha cusub Md. Abdisalaan Shariif Xuseen iyo Wasiir ku xigeenka cusub Md. Osman Mohamed Abdi(Daalo), ayaan maanta xilkii Wasaaradda si rasmi ah uga la wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xildhibaan. Khaliif Cabdi Cumar, Wasiiru-dawlahii hore Md. Abdulkaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaraddaas Md. Cali Maxamed Sheekh Bagadi.

Munaasibadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda, ayaa waxa goob-joog ka ahaa oo xilka u kala wareejiyey Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS Md. Saalax Axmed Jaamac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaadatay hay’adaha gargaarka iyo Ururrada samafalka gudaha Dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle,...