Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyey shir looga hadlayey amniga iyo arimaha Garsoorka

Date:

Madaxweynaha Dowladd goboledka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay shirka guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda ee Tiirarka Siyaasadda loo dhanyahay, Amniga iyo Cadaaladda.

Kulankaan ayaa looga hadlay xaqiijinta nabad galyada Caasimadda oo wax badan laga qabtay iyo Howlgalada lagu baacsanayo Kooxaha argagixisada ee ka socda degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay Dardargalinta qaab dhismeedka Hay’addaha Garsoorka, dib u howlgalinta iyo geeddi socodka dhismaha Golayaasha Deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dhamaan Guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda iyo Howlwadeennada Madaxtooyda ee Tiirarka Siyaasadda loo dhan yahay iyo Amniga iyo Cadaaladda oo aad isugu howlay qabsoomida shirkaan iyo dabagalka fulinta qodobada lagu balamay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...