Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Ahmed Xuseen shire Bukhaari ayaa Xarunta Gobolka Mudug ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR ayna hugaaminaysay Madaxa Cusub( HEAD SUB OFFICE) MONIOUE RUDACOGORA Laguna sagootinayay Madaxii hore Mohamed Shekinweri.

Guddoomiyaha Gobolka mudug mudane Ahmed Xuseen shire Bukhaari oo ay wehliyaan Agaasimayaasha Maamulka Gobolka mudug ayaa kulanka la qaatay wafdigaan ka socday Hay’adda UNHCR.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta mamaulka Gobolka mudug iyo Madaxa Cusub ee taageeridda Bulshada tabaalaysan ee Gobolka Mudug kuwaas oo saameyn ku yeelatay Abaarta Dalka ka jirta.

 

Guddoomiyaha Gobolka mudug mudane Ahmed Xuseen shire Bukhaari ayaa kaga mahad celiyay Madaxa Cusub ( HEAD SUB OFFICE) MONIOUE RUDACOGORA iyo dhamaan shaqaalaha UNHCR isagoona kula dardaarmay inay Maamulka Gobolka mudug ka garab siiyaan Gurmadka loo sameynayo Dadka abaartu ku saamaysay ee Gobolkaan ku nool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...