Ra’isulwasare Hamse oo uga mahadceliyey golaha shacabka, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda

Date:

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, oo uu horgeeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ka dib, fadhi ay yeesheen Golaha oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Mudanaayasha golaha shacabka ayaa codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub, waxaana ogolaaday 229 mudane, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha golaha shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golahiisa wasiirrada uu ku soo xushay, hannaan ku saleysan wadatashi, aqoon, karti, khibrad iyo waayo aragnimo u fududeynaysa in ay waajibaadkooda gutaan,una adeeggaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saari doonto wax ka qabashada;

Arrimaha amniga, dhameystirka hannaanka amniga qaranka iyo la dagaallanka argagixisada, garsoor madax-bannaan, isku filnaansho dhaqaale, horumarinta arrimaha bulshada, qabyo tirka iyo dhameystirka dastuurka KMG ah, horrumarinta hannaanka federaalka, dib-u-heshiisiinta, Hirgelinta nidaam doorasho mideysan oo dimuqraadi ah, Dardargelinta wada hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, maamul-wanaagga, iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah, iyadoo laga duulayo aragtida madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Sidoo kale, Xukuumadda ayuu xusay in ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noq-noqda ee ugu horreyso abaarta iyo fatahaadaha ku dhufta qeybo kamid ah gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey golaha shacabka, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...