Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub ee Raisulwasare Hamse Abdi bare

Date:

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn oo shalay la iclamiyey, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.

 

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay maalintii shalay aheed Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.

 

Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.

 

Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha  Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo Casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

WARSAXAAFADEED: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...