Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland oo guddoomiyey Shirka Amniga Maamulkaas oo Bishiiba Mar la qabto

Date:

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Maamulkaas ku shir gudoomiyay Shirka Amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar la qabto,kaas oo ay goobjoog ka haayeen Laamaha Amniga.

Shirkan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland, Saraakiisha Ciidanka Jubbaland, Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS.

Waxaana looga hadlay xaaladda amniga guud ee Jubbaland iyadoo warbixino looga dhageystay Taliyayaasha qaybaha kala duwan ee Ciidanka.

Kulankaan amniga looga hadlayey ayaa waxa uu yimid xilli lamaha amniga Jubbland iyo kuwa Xoogga dalka kordhiyeen howlgalada Ka dhanka ah Al-shabaab kaas oo ay ka fulinayaan Gobolka Jubbada Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Kulanka Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha

Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...