Jubbaland oo magacowday guddiga qaban qaabada aaska Alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha Gudaha maamulkaas oo shalay geriyooday

Date:

MUQDISHO-31-7-2022-:Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada aaska Alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha Gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Ee maamulka jubbland oo shalay ku geriyooday dalka jarmalka  Marxuum Gen: Maxamed Warsame darwiish oo meydkiisa dhawaan dalka la keeni doono.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xubnaha uu magacabay qaban-qaabada Aaska waxa ay ka koobanyihiin ilaa 7 ruux oo iskugu jira wasiiro iyo masuuliyiin kale oo jubbland katirsan

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah.

  • Mudane Maxamed Yuusuf Omar guddoomiye
  • Mudane Hussein Hirsi Ahmed guddoomiye ku xigeen
  • Mudane Generaal yuusuf Hussein Osmaan
  • Mudane Ceydiid Suleeyban Xaashi
  • Mudane Cumar Abdullaahi Maxamed
  • Mudane Ali Cadheys Hassan
  • Mudane Ahmed Abbdirisaaq Maxamed

Marxuum Janaraal Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) ayaa sanadihii u dhaxeeyay 2006 ilaa 2009 Waxa uu soo noqday Taliyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka isaga oo maamulka jubbland xilal kala duwan uu ka soo qabtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...