Taliska qaybta booliska gobolka Nugaal oo Burburiyey Khamri iyo Xashiish tiro badan oo Maxkamadda Garowe horay u xukuntay

Date:

MUQDISHO-30-7-2022-:Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal iyo Gudomiyaha gobolka oo ay weheliyaan xeer ilaalinta Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal iyo Culima’udiinka Magaladda ayaa meel Maanta goob  fagaaro ah ku burburiyay khamriga gaaraya 100 dhaloo oo DRY GIN iyo Khamriga gudaha dalka lagu farsameyo ee Calaqda loo yaqaano iyo Xashiish tiro badan oo ay ciidamadu qabteen.

 

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in xashiishkan qaar ka mida sidii Hadyadii loo soo farsameyay oo la rabay in ciidamada lagu khaldo halka kuwo kalana gaari yar daqadihiisa lagu soo qariyay.

 

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali ayaa sheegay in har iyo habeen ciidamadu u tagan yihiin la dagaalanka Mandooriyaha wuxuuna xusay in bulshadana looga bahan yahay inay ciidamada garabsiiyan oo xogta la soo wadagaan.

 

Taliyaha qaybta booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay ciidamadii Mandooriyahan soo qabtay iyo Sarakiisha ciidamada isagoona faray in shaqada sii laba jibaraan.

Booliska Puntland ayaa wada  howlgalo ka dhan ah kooxaha argagixisada AL-Shabaab iyo kuwa isticmaala waxyabaha maanka dooriye.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan...

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiilada Maamulka Waqooyi Bari oo la magacaabay

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya...

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo kii hore

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....