Howl-galo Ka Bilowday Muqdisho.(SAWIRO).

Date:

Saraakiisha iyo ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa bilaabay howlgallo looga hortegayo dhagarta Nabaddiidka Al-Shabaab, waxaana saacadihii lasoo dhaafay suuqyada Muqdisho oo Bakaaro uu ugu horeeyo ka dhacay kulamo ay saraakishu la yeesheen ganacsatada.

Waxaa kulamadaas diiradda lagu saaray caqabadaha jira iyo dadaallada ay dowladdu ku doonayso in argagixisada meel looga soo wada jeesto.

Ganacsatada ayaa la wadaagay saraakiisha amniga in argagixisadu aysan ku dhiira karin inay suuqyada Muqdisho yimaadaan, balse ay telfoonada ku soo diraan hanjabaado oo kaliya.

Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa ganacsatada ka dalbaday inay lasoo wadaagaan tabaha liita ee aragagixisadu ay ku doonayaan inay ku baadaan ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.

Sidoo kale saraakiishu waxay ka balan qaadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay ku dadaali doonaan ilaalinta ammaankooda, har iyo habeena ay u taaganyihiin sidii loo ciribtiri lahaa cadowga ummadda Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...