Muqdisho-26-7-2022-:Magaalada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud Maanta waxaa ka dhacday goob fagaaro ah Qisaasta Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dhawaan halkaas ku dilay Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/L Faarax Cumar Geelle iyo Walaashii Xaawo Cumar Geelle.
Goobta lagu fulinayey xukunka oo ahayd Banaanka Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa ku sugnaa, Ehelada Marxuumiinta, Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybtayda Galmudug ayaa marxuumkaan xukunka dilka ah ku riday -07-2022 kadib marki lagu helay in dil bareer ah bartamaha degmadaas ugu geystay Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/L Faarax Cumar Geelle iyo Walaashii Xaawo Cumar Geelle.
Marxuumka dIlka lagu fuliyey ayaa hore uga tirsanaa Ciidanak Xooga Dalka Qeybta 21aad.