Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamuud oo booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar

Date:

MUQDISHO-26-7-2022-:Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku gudajira booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku joogo dalka Masar, ayaa maanta booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas.

 

Safiir ka dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Safaarada, halkaas oo uu warbixinno kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...