Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamuud oo kulamo kawada magaalada Qaahira ee caasimada Wadanka Masar

Date:

Muqdisho. 25, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Masar ayaa magaalada Qaahira kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, dadaallada ay dowladu ku bixineyso gurmadka abaaraha, xoojinta iskaashiga Soomaaliya ee waddamada Gobolka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, adkeynta dowladnimada iyo la-dagaallanka argagaxisada.

 

 

Madaxweynihii  5-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay kulankan, isagoo ku ammaanaay hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee dalkeennu la leeyahay dalalka aanu saaxibka iyo dariska nahay.

 

 

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa sheegay inuu ku garab siinayo walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh sidii looga wada shaqeyn lahaa dib u heshiisiinta, loona xaqiijin lahaa Soomaali heshiis la ah dunida, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iscaawiyaan si loo samatabixiyo dadkeenna abaaruhu saameeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...