Maxkamadeynta Askari loo heysto dilka Sarkaal iyo Walaashiis oo bilaabatay degmada cabudwaaq

Date:

Muqdisho, Luulyo 24. 2022;Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 21aad ayaa Maanta waxaa ay u farsiisatay kiiska Askari katirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, kaas oo ku eedeysan in uu dhawaan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galaduud kudilay Taliye kuxigeenkii Ciidanka NISA ee Gobolka Galgaduud & Walaashiis.

 

Askariga dilka loo heysto oo lagu lagu Magacaabo Axmed cabdi Aadan Ciise ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 21aad ay soo bandhitay cadeymo muujinaya in dilka Taliye kuxigeenkiisa Ciidanka NISA ee Gobolka Galgaduud Faarax Cumar Geelle (Beyr) iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle,isaga oo maxkamadda horteeda uu ka qirtay.

 

 

 

Qareenka iyo Abuukaataha oo iyana goobta Maxkamadeynta ka hadlay ayaa mid kasta uu sheegay in dambiga ay ku cadahay Askariga, iyaga oo dalbaday in lagu xukumo qisaatsii dhamme faarax Cumar Geelle, balse loo fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo.

 

 

 

Uu dambeyn Maxkamadeynta Askariga loo heysto dilka ayaala soo geba-gabeeyay, waxaana la sheegay in Garsoorayaasha ay dib kasoo sheegi doonaan go’aanka Maxkamadda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...

Dhismaha cusub ee Kumaandooska Gor Gor oo xarigga laga jaray

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...