Ruushka iyo Ukraine oo kala saxiixday heshiis ay garwadeen ka ahaayeen QM iyo Turkiga.

Date:

Turkiga ayaa ku dhawaaqay heshiis u ogolaanaya Ukraine in ay dib u soo celiso dhoofinta Qamadiga iyo galleyda ee badda madow.

Jimcihii ayaa Istanbul waxaa ku saxiixay heshiiskaas Ukraine, Ruushka, Turkiga iyo Qaramada Midoobay.

Qiimaha sarreenka ee suuqyada adduunka ayaa hoos u dhacay tan iyo markii bishii Febraayo uu Ruushku ku duulay Ukraine.

Labada dal ayaa Jimcihii kala saxiixday heshiis dib loogu bilaabayo dhoofinta qamadiga ee dekedaha Badda Madow.

Cunno yaraanta soo food saartay caalamka ayaa loo aaneynayaa duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine 24-kii February ee sanadkan.

Heshiiska ayaa dhigaya in Ukraine ay maraakiibta ku hagto goobaha aan lahayn miinooyinka si ay badqad ugu safraan.

Waxaa arrintaa gacan ka siin doona Turkiga oo garwadeen ka ah heshiiska ay gaareen labada waddan.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa heshiiska ku tilmaamay mid wax ku ool ah.

Dalaga beeraha gaar ahaan qamadiga oo si weyn looga baahan yahay guud ahaan caalamka ayaa ka xanniban maqaasiinno ku yaalla dekadda Odessa ee Ukraine.

Ku dhawaad 20 milyan oo tan ayaa lagu qiyaasay qamadiga ku xanniban dekadaas.

Ukrain ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah soo saarista Qamadiga, balse goโ€™doominta ciidamada badda ee Ruushka ayaa curyaamiyay dhoofintii loo dhoofin caalamka intiisa kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulanka 150-aad ee Baarlamaanka Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Raโ€™iisul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga iyo wasiirkii hore ee Wasaaradaas

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Raโ€™iisul Wasaare Xamse โ€œ Booqashada Laascaanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka XFS iyo SSC Khaatumoโ€

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...