??’????? ??????? ????? ?? ???? ??????????? ??????? ?????????? ?????????? ??? ?????? ???????? ??? ??????? ??????? ??????

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku shir-guddoomiyey kulan ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ammmaanka dalka iyo la-dagaallanka argagaxisada, oo uu la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadal muhiim ah ka jeediyey shirka, ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah.
Sidoo kale, waxa uu xusay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maalgelinta argagaxisada.
“Waxaan ka Xukuumad ahaan Diyaarin Doonaa Qorshe Cusub oo Kor U qaadaya Kobaca Waxsoosaarka Dudaha Dalka Si’aay Kab Ugu Noqoto Maaraynta Miisaaniyadda Dalka” Ayuu Yiri RW Xamse.
Safiirka Djibouti ee Addis Ababa, Cabdi Maxamuud Heybe, oo hoggaaminayay xubnaha ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in ay la garab taagan yihiin xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed taageero buuxda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

Waxaa saakay aroortii hore ayaa lagu fuliyay xukun dil...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed...

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...