Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay Shabellaha Hoose.

Date:

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan ka fuliyay degaanka leego &yaaq bariweyne ee Gobolka Shabellaha Hoose

Taliyaha ururka 64-Aad Ciidanka xoogga Dalka Cali Cabdullaahi Halac oo  howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ujeedka howlgaku ahaa sidii Argagixisada Al-shabaab looga saari lahaa degaanadasi loona xaqiijin lahaa Amniga shacabka ku nool degaanadasi oo uu cadwgu dhibaata badan ku hayay,waxa una intaa hadalkisa ku sii daray taliyaha in howlgalka ay ku soo qabteen xubna katirsan Al-Shabaab oo xiliyada qaar weeraro ka geeysan jiray degaanada howlgalka laga sameeyay.

Ciidamada dowlada ayaa dhawanahan degaanna badan oo katirsan Gobolka Shabellaha Hoose kawaday howlgalo lagu baac sanayo kooxaha Argagixisada Al-Shabaab,waxana inta uu howlgalku socda Maleeshiyada laga xoreeyay degaanno badan oo hoos taga Gobolka Shabeellaha Hoose

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...