Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo maanta xukun ku riday Dhagarqabe katirsan Argagixisada Al-shabaab

Date:

Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan “CabdiNaasir” ayaa u dhaawacmay August sanadkii tegay Rasaas ay ku fureen Ciidamada Amniga kadib Bam uu ku tuuray waaxda Taleex.

 


ilaa 2018 ayuu Alshabaab ka tirsanaa, waxa uuna labadiisii sano ee u horreeyay ku qaatay Duurka, waxa uu dhowr dagaal oo Arbushaad ah ka sameeyay Gobalka Shabeelada Hoose.
kadib markii uu ka bogsaday dhaawicii ay Ciidamada Amniga u gaysteen, waxaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada lagu soo Wareejiyay May Sanadkan.

 

Baaritaan dheer kadib, waxaa lagu helay dambiyo ay kamid yihiin Bambooyin uu ku Tuuray Bar Ciidamada Amniga ay ku lahaayeen Warshadaha Gaar ahaan Warsame Dool iyo Bamka uu ku tuuray Taleex oo ahaa kii lagu Qabtay oo ay Ciidamada Amniga ku dhaawaceen.
Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay 20-sano oo Xabsi Ciidan ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...