Suudaan oo Maanta dib u furtay xudduudka ay la wadaagto Dalka Itoobiya

Date:

MUQDISHO-18-7-2022-:Suudaan ayaa dib u furtay marinka xudduuda ah ay la wadaagto Itoobiya kadib markii ay xirtay bishii lasoo dhaafay iyadoo Itoobiya ku eedeysay inay dishay 7 kamid ah ciidamada dalkaas.

 

Guddiga farsamada ee golaha amniga iyo gaashaandhigga Suudaan ayaa sheegay in xudduuda la furay kadib markii madaxda Suudaan iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in colaadda la joojiyo.

 

Golaha amniga iyo gaashaandhigga ayaa intaa ku daray in ciidamada ay xoojinayaan howlgallada lagu sugayo amniga xudduudda si ay uga hortaggaan kooxaha hubeysan ee kasoo tallaaba halkaas.

 

Hoggaamiyaha militeriga Suudaan Janaraal Cabdel Fataax Al Burhan iyo Ra’iisul Wasaraaha Itoobiya ayaa dhawaan ku kulmay magaalada Nairobi iyagoo ku heshiiyay in lasoo afjaray dagaalkii ka taagnaa xudduuda.

 

Xuduudka Gallabat ayaa la xiray 27-kii Juun ka dib markii Suudaan ay ku eedeysay Itoobiya in ay dishay 7 askari.

 

Suudaan waxay wacad ku martay inay qaadeyso tallaabo ka dhan ah dilka ciidamadeeda halka Itoobiya ay beenisay inay laaysay askarta.

 

Suudaan iyo Itoobiya waxaa in muddo ah ka dhex taagnaa muran ku saabsan lahaanshaha dhulka beeraha qaniga ku ah ee Al Fashaqa.

 

XIGASHO BBC

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan...

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiilada Maamulka Waqooyi Bari oo la magacaabay

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya...

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo kii hore

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....