Raisulwasaare Hamse Abdi Bare oo maanta qaabilay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Date:

Muqdisho-17-7-2022:Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Alberto Vecchi, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay taageerada dowladda Talyaaniga, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal.

Danjiraha ayaa dhankiisa balan-qaaday sii xoojinta xiriirka labada waddan, gaar ahaan mashaariicda ay ku taageeraan Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...