Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal oo xilalkii u kala wareejiyay taliyaha cusub ee saldhiga Burtinle iyo taliyihii hore ee saldhigaas

Date:

Muqdisho,17July 2022: Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud oo xilalkii u kala wareejiyay taliyaha cusub ee saldhiga Burtinle iyo taliyihii hore ee saldhiga.

Xilwareejintan oo ka dhacday saldhiga degmadda Burtinle ayaa xilalka kula kala wareegay taliyaha cusub ee saldhiga L/Xle Cabdicasiis Faarax Axmed iyo taliyihii hore ee saldhiga Burtinle Dhame Jaamac Salaad.

Taliyaha qaybta gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa la dardaarmay sarakiisha iyo ciidamadda saldhiga isagoona kula dardarmay inay shaqo wanaag la yimadaan.

Taliyaha qaybta Nugaal ayaa sido kale ku amaanay taliyaha xilka wareejiyay isagoona xusay in shaqo wanagsan uu qabtay taliyaha cusubna ku booriyay inuu shaqada halkaas ka sii wado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad...

Shirweynaha Haya’adda NIRA oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxa maalintii labaad ka socda Hoolka Teendhada Afisyooni ee...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo safar ugu baxay dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane...