Madaxweynaha Qaranka Oo Kulan Laqaatay Waalidka Askarta Ku Maqan Eratatiya. +SAWIRO.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay qaar ka mid ah waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalka Ereteriya, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ugu tegay booqasho uu xaaladdooda ugu kuurgelayo.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin, bad-qabkooda nololeed iyo halka ay marayaan tababbarrada ay dalkaas u joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu mar kale waalidka u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ubadkooda ay dib ula midoobaan, dalkana dib ugu soo laabtaan si ay u gutaan waajibka qaran ee ay sida geesinnimada, dal-jacaylka iyo naf-hurnimada leh u qaadeen.

“Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda. Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan.”

Dhinaca kale, waalidka ciidamada Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...