Ergeyga gurmadka abaaraha oo kulan la qaatay Danjiraha Hindiya u fadhiya dalalka soomaaliya iyo Kenya

Date:

Ergeyga DFS u qaabilsan gurmadka abaaraha iyo arrimaha biniโ€™aadminimoda Cabdiraxman Cabdishakur warsame yaa kulan la qaatay Danjiraha HIndia u fadhiya dalalka soomaaliya iyo Kenya Dr Virander Paul.

Ergayga iyo Danjiraha ayaa qaatay wadahadal qoto dheer oo ku aadan xiriirka soo jireenka ah ee dowladaha Soomaliya iyo India iyo sidii mar labaad ay Hindiya xiriir maalgashi ula sameyn lahayd Somalia. Ergayga oo si gaar ah diiradda u saaraayay arrimaha abaaraha ayaa xusay kaalinta cunna yarida adduunka ka jjirta iyo sicir bararku ku leeyihiin abaaraha, isaga oo arrinkaas ka duulayana waxa uu kala hadley Danjiraha in dowladda Hindiya ku gacan siiso Soomaaliya dhimista qiimaha raashinka Soomaaliya kasoo dhoofsato Hindiya, gaar ahaan bariiska iyo sokorta.

Wuxuu kaloo Ergeygu kala hadlay Safiirka in Hindiya codkeeda ugu qareento Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan G20, sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen. Safiirka ayaa soo dhoweeyay kana balanqaaday Ergayga in India ay mar walba garab istaagi doonto Somalia ayna ku dedaali doonaan garab istaaga Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...