Ergeyga gaarka ah Madaxweynaha JFS u qaabilsan arimaha gurmadka Abaaraha oo la kulmay xubno sar sare oo katirsan Dowladda UK

Date:

Muqdisho,LUULYO, 12, 2022:-Ergayga gaarka ah Ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka Abaaraha ayaa maanta la kulmay Xubno oo uu hoggaaminaayay Nick Dyer oo ah Ergeyga gaarka ah ee boqortooyada Uk u qaabilsan arrimaha bini’aadannimoda iyo macluusha ayaa kala hadley Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame howlaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Ergeyga Madaxweynaha DFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha iyo bini’aadannimoda ayaa Dowladda UK iyo Xafiiskooda Arrimaha bini’aadannimoda uga mahadceliyay garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo dadkeenna tabaaleysan.

Waxaa intaas kadib labada dhinac iska wareysteen howlaha socda, ballamadii hore waxa ka qabsoomay iyo waxyaalaha hadda la iska kaashan karo.

Ergey Cabdiraxmaan oo bogaadinaya garab istaagga boqortooyada Uk ayaa ugu danbeyntii tilmaamay wax ku oolnimoda u qareemidda arrimaha abaaraha Soomaaliya oo ay boqortooyada UK iyo hayadaheedu iska xilqaameen iyo sida mudnaan u leedahay in lasii joogteeyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...