MADAXWEYNAHA JFS OO U KUUR-GALAY XAALADDA CIIDANKA SOOMAALIYEED EE TABABBARKA U JOOGA DALKA ERETERIYA

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyadan oo si gaar ah loo tababbaray, waxa uuna u kuur-galay xaaladdooda nololeed, isagoona warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la hadlay ciidamada ayaa uga warbixiyey qorshaha dowladda ee sugidda amniga guud ee dalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-shabaab, kuwaas oo cadow ku ah horumarka iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa soocelinta ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Ereteriya, isaga oo xusay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu farxayaan cududdooda halka ay cadawga argagaxisaduna ka naxayaan muuqooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa booqday goobo ku yaalla dalkaas oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...