Golaha Wasiirrada maamulka Galmudug oo maanta Degmanimo u ansixiyey Degmooyinka Baxdo iyo Wisil

Date:

Muqdisho-10,7,2022:Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada ee xukuumadda Galmudug, kaas oo maanta lagu qabtay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga waxaana intaas kadib Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib Uheshiisiinta Galmudug ay hor dhigay golaha xukuumadda, in cod loo qaado degmaynta degmooyinka Baxdo iyo Wisil.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday iyadoona madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye uu cod u qaaday ansaxinta degmooyinkan, waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyay golaha wasiirada, mana jirin cid ka aamustay, waxaana Baxdo iyo Wisil loo aqoonsaday degmooyin rasmi ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor gayn doonta golaha baarlamanka Gamudug, si ay waajibkooda uga gutaan, una sharciyeeyaan iyadoona ugu danbayn uu sixiixi doono madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...