Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb-galay shir madaxeedka IGAD oo maanta ka dhacay dalka Kenya

Date:

MUQDISHO,05,07,2022-Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qayb galay meertada 39aad ee Shir Madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD oo looga hadlayay nabadda, abaaraha ku dhuftay dalalka geeska afrika,isbebadalka cilimada iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh gobolka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka ku matalayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin ka siiyey madaxda urur gobolleedka IGAD horumarada la gaaray iyo qorsheyaasha dowladda ee dhinacyada ammaanka iyo dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan dadaallada dowladda ee wax ka qabashada arrimaha abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah dalka.

Dalalka ka qeyb galay shirka ayaa boggaadiyey isbedelkii dimoqraadiga ahaa ee ka dhacay dalka, iyagoo hambalyo ku aaddan u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed

Shirkaan qodobada looga hadlay waxaa kamid ah xiisada dagaal ee ka dhex aloosan Dowladdaha Suudaan iyo itoobiya ee salka ku haya arimaha Wabbiga Niil

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...