Madaxweynaha Hiirshabelle oo maanta qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Muqdisho: 05, Luulyo, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaaminaysay.

Wafdiga Madaxweynaha uu qaabilay waxaa kamid ahaa Wakiilka hay’adda FAO, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Haweenka ‘ iyo Madaxa Xafiika Unsom ee Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxa uu ahaa is xogwareysi ku saabsan arrimaha bini’aadanimo, amni iyo arrimaha horumarineed ee deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

Waxaa sidoo kale dhacay kulamo gaar gaar ah oo qaarkamid ah madaxda Qaramada Midoobe la yeesheen Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugala hadlay
Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya sida looga jawaabi lahaa xaaladaha adag ee ka dhashay abaaraha baahsan ee sababay biyo la’aan, cunto la’aan,barakac iyo dhimasho ku timid dadka iyo xoolaha.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kormeeray ciidanka XD ee ku sugan duleedka Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen...

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...