Madaxweynaha Hiirshabelle oo laamaha amniga maamulkaas faray adkeynta Amniga Caasimada Jowhar

Date:

Muqdisho : 04, Luulyo, 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Xukuumada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha.

Shirka ayaa looga hadlay howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo sidii loo adkeyn lahaa amaanka Caasimada.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa diirada lagu saaray abaaraha iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanada Dowladda Hirshabeelle iyadoo dhulka miyiga ah ay kasoo barakaceen dadkii ku noolaa kadib markii ay waayeen wax ay cunaan xoolihii ay dhaqanayeena ay abaartu ka baabi’isay.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay dhibaatada xoogan kasoo gaartay abaaraha waxa uuna faray Wasaaradda Gargaarka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha inay hay’addaha ku adkeeyaan sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka ay dhibaataysay abaarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...