Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddoonka sare ee maxkamada sare ee maamulkaas

Date:

MUQDISHO- 04 July 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.
Wuxuu Xeeriyey:
Magacaabid
1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan
Waxaa kale oo la magacaabay
B. Keydka
1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin
T. Xubno Guddi
1. Daahir Maxamed Nuur
2. Xasan Cabdi Cilmi
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami leh uga socota magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa Turkiga 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Badda CXDS oo Istanbul kula kulmay Madaxa Shirkadda Difaaca Aselsan

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee CXDS Jeneraal...