[DHAGEYSO] Waxaa maanta Aas- Qaran Hargaysa loogu sameeyey marxuumad Khadra Daahir Cige

Date:

MUQDISHO,3-7-2022:Waxaa  maanta Aas Qaran loogu Sameeyay qabuuro ku yaal duleedka Magaalada Hargaysa Fanaanadii Caanka ahayd Khadra Daahir Cige Alle Naxariistii Jano ha ugu Deeqee.

Waxa Aaskeeda Ka  Qayb-Galay Masuuliyiinta ugu Saraysa Xukuumada maamulka Somaliland ,Masuuliyiin kale,bahda fanka  iyo Weliba Dadweyne aad u Tiro Badan..

Allaha hauna hariisato Fanaanada waxa ay ku dhalatay  sida ay shegaan dadka yaqaana Hargeysa sanadkii 1959 , isla Hargeysa ayey fanka kaga biirtay sanadkii 1974 oo ay ahayd 15 jir  sida ay ku sheegtay wareysiyo bixisay.

Waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta loogu jecelyey Hobolada Soomaaliyeed , iyada oo lagu xusuusan  doono heesaha jacaylka oo ay caan ku ahayd

1970-kii ayay Khadra Daahir Cige sameysay ruwaayaddeedii ugu horeysay oo ay ka dhigta Iskuulka Farsamada ee Hargeysa, waxaana ay si rasmi ah Ruwaayadda ula sameysay Hobollada Waaberi ruwaaddii la oran jiray “DAB JCAEYL KARI WAA”

Heestii ugu horeysay ee ay qaaddo waxa ay ahayd, hees Jaceyl ah, “AFKA LAGAMA SHEEGTOO ADIGOON JACEYL ARAG”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...