Wasiir Dubbe oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee caawa ka baxday Marxuumad Khadra Daahir cige

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Senator Cusmaan Abokor Dubbe, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud, bahda fanka iyo suugaanka iyo dhammaan howlwadeennada wasaaradda warfaafintu, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehellada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed oo caawa ay ka baxday Fanaanad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Allaha u naxariisto Marxuum Khadra Daahir Cige, samir iyo imaan Allaha naga wada siiyo.

1970-kii ayay Khadra Daahir Cige sameysay ruwaayaddeedii ugu horeysay oo ay ka dhigta Iskuulka Farsamada ee Hargeysa, waxaana ay si rasmi ah Ruwaayadda ula sameysay Hobollada Waaberi ruwaaddii la oran jiray “DAB JCAEYL KARI WAA”

Heestii ugu horeysay ee ay qaaddo waxa ay ahayd, hees Jaceyl ah, “AFKA LAGAMA SHEEGTOO ADIGOON JACEYL ARAG”

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...