Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ugu baaqay Wadamada Carabta inay garab-istaagaan Soomaaliya si wax looga qabto abaaraha ku dhuftay dalka

Date:

Muqdisho, July 02, 2022 – Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa hadal ka jeediyay kulanka wadatashiga ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed oo maanta oo Sabti ah ka furmay Caasimadda Lubnaan ee Beyruut , isagoo diiradda ku saarray khudbaddiisa xaaladda bani’aadannimo, siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya iyo mowqifka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee taaggan.

Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa hoggaaminayay Wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalayay Shirka Wadatashiga oo looga dooday gogol-xaarka Shir Madaxeedka Carbeed ee la filayo inuu ku qabsoomo dalka Aljeeriya horaanta bisha November, waxaana wafdigiisa ka mid ah Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan la tacaalidda xaaladda abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar Abuubakar.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ugu baaqay dowladaha carbeed inay taageeraan Soomaaliya si loo xakameeyo abaarta soo noq-noqotay iyo inay maalgeshi toos ah ku sameeyaan dalka si loo gaaro kobac dhaqaale , una kordho wax-soo-saarka beeraha , iyadoo la ogsoonyahay in dalku ka jiraan abaaro daran iyo dhibaato ka dhalatay cunno yarida oo ay sabab u tahay sare u kaca qiimaha shidaalka , cunnada iyo badeecadaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...