Ergayga madaxweynaha JFS u qaabilsan abaaraha oo maanta shirka golaha wasiirada jaamacada carabta horgeynaya warbixin ku sabsan abaraha dalka ka jira

Date:

Muqdisho, Luuliyo 2,2022: Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha  Cabdiraxman Cabdishakur, ayaa maanta ka qeybgalayo shirka Wasiirada Jaamacada Carabta oo looga hadlaayo Abaaraha Soomaaliya kaas oo ka dhacayo Magaalada Beyruut.

 

Ergayga Madaxweynaha oo kulankaan maanta ka qeybgalaya ayaa  ku soo bandhigi doono xaaladda abaarta Soomaaliya, isaga oo Madaxdaas ka dalban doono in aan Soomaaliya lagu eegan xaaladda Abaaraha ka jira ee aadka u adag.

Mudane Abdirahman abdishakuur ayaa kulamo hordhac ah la qaatay Wasiirada arimaha dibada Kuwayt, Aljeeriya, wasiir ku xigeenka arrimaha debada ee Masar, safiiro iyo wakiilo Carbeed oo uu ka codsaday Ergeyga in ay gurmadka Abaaraha ka qeybqataan.

Ergayga ayaa xalay dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxwyne Xassan Sheekh u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Gheit.

 

Sidaasi waxaa yiri Mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar Danjiraha  JFS ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, isagoo xusay in farriinta Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay mid bini’aadannimo  oo ku aaddan in si deg deg ah loogu istaago gargaarka shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa ku micneeyay farriinta Madaxweynaha Soomaaliya in Soomaaliya ay ka codsaneyso Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carabeed in ay caawiyaan dalkiisa oo ay abaaro aan horay loo arag muddo 40 sano ah ka jiraan, iyadoo ku dhawaad 7 milyan oo muwaadiniin ah ay wajahayaan xaalad macluul ah.

 

Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa intaas ku daray in, in ka badan 7.1 milyan oo qof ay dhibaatadu soo gaartay, kuwaasi oo ay ku jiraan ilaa 700,000 oo qof oo ku qasbanaaday in ay ka barakacaan guryahooda si ay u raadsadaan cunto, biyo iyo baad. Tirada dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ayaa hadda lagu qiyaasay 3 milyan oo qof.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...