Wariyaal ku dhaawacmay qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Baladweyne

Date:

MUQDISHO-JUUN-27-6-2022-:Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah agaasimaha Idaacadda maamulka HirShabeelle ee Gobolka Hiiraan iyo Weriye Cabdikariin Shabeelow oo ka mid shaqaalaha Telefishinka HirShabeelle ayaa saakay lagu dhaawacay qarax miino oo ay la beegsatay argagixisada Al-Shabaab.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, ayaa haleelay gaari ay la socdeen weriyaashaan, xilli uu marayey deegaan lagu magacaabo Qabno oo hoos tagta degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale weriyashaan waxay la socdeen kolonyo gaadiid ah oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, waxaana dhawaacyadooda loo qaaday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, si loo saaro diyaarad Muqdisho u qaada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...