Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo guddoomiyey shir looga hadlayay xaaladda amani ee gobolada Puntland.

Date:

Muqdisho-26 JUNE 2022:Taliyaha Ciidanka booliska Maamulka PL S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amani ee gobolada Puntland.

Shirka oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka booliska DPL waxaa ka qayb galay taliye ku xigeenka Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi,Hogaanada Ciidanka,Taliyaasha Qaybaha gobolada Nugaal,Bari,Mudug,Sool,Karkaar,Cayn,Gardafuu,Sanaag iyo Haylan.
Taliyaha Ciidanka booliska PL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Hogaanada iyo Taliyaasha qaybaha ka dhagaystay xaalada guud ee amniga Puntland iyo shaqooyinka baaxada leh ee socda.
Taliyaha ayaa Hogaanada iyo Taliyaasha qaybaha ku bogaadiyay doorka muhiim ka ah ee ay ka qaateen adkaynta amniga degaamada Puntland isagoo ku la dardaarmay in ay halkaas ka sii wadaan si loohelo deegaan nabdoon.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...