Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay raadineyso lacag dhan 993.3 milyan si loogu gurmado dadka abaraha soomaliya ku saameyeen.

Date:

MUQDISHO-JUUN-25-6-2022-:Hayโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabilsan biniโ€™aadantinimada ayaa sheegtay Jimcihii in ay raadinayso 993.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah si looga hortago abaaraha soo food saaray Soomaaliya.

 

Xafiiska isku xirka arrimaha biniโ€™aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in saameynta abaarta iyo cadaadiska dhaqaale ee dalka ka jira ay sii kordhinayaan inย  dadbadan ay u nafwayaan macaluul.

 

Bayaan ka soo baxay OCHA ayaa lagu sheegay โ€œDadka gaaraya 7.7 milyan oo qofย  ayaa โ€‹โ€‹u baahan gargaar biniโ€™aadannimo, kuwaas oo 7 milyan oo ka mid ah la sheegay inay abaartu ay saamaysay,โ€.

 

Heyโ€™adda UN OCHA, ayaa sheegtay in ay ku hawlantahay waxqabadkeedii ugu dambeeyay ee abaaraha iyo ka hortagga macluusha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale