Magaalada Baxdo oo shalay lagu laayey Argagixisada Al-Shabaab oo maanta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare looga Fariistay..

Date:

Muqdisho-Juun-18-6-2022:Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa maanta loo fariistay imtixaanka kama dambeysta ah ee Dugsiyada Sare, waxana tirada ardeyda u fariisatay ay dhanyihiin 35,000 (Shan iyo Soddon Kun) oo Arday.

Goobaha imtixaanka saaka loo fariistay waxa kamid ah magaalada Baxdo oo qiyaastii boqol km u jirta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo shalay dagaal culus oo geystay qasaare aad u balaaran uu ku dhexmaray shacabka magaaladaasi iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo duulaan soo qaaday.

Wasiirka wasaarada waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi dhoore oo ay wehliyeen gudoomiyaha Baxdo, saraakiisha talisyada Ciidamada qaarkood iyo masuuliyiin ka tirsan wasaarada ayaa si rasmi ah deegaanka Baxdo uga daahfuray imtixaanaadka dugsiyada sare, kaasi oo sanadkan ardayda Galmudug ay tiro ahaan ka yihiin 2387 oo 42 ka mida ay imtixaanka uga qeyb galayaan magaalada baxdo.

Wasiir Dhoore ayaa ardayda reer baxdo ku tilmaamey kuwo muujinaya dadaal dheeri ah, maadaama ay imtixaan ku galayaan magaalo kujirta marxalad is difaac ah.

Baxdo oo dadkeedu u duubteen in ay difaac ka galaan dhagarta cadawga Argagaxisada ayaa shalay dhigtay taarikh wax ku ool ah, kadib markii tiro aad u badan oo katirsan nabad diidka lagu dilay dagaalkii shalay dhacey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...