Madaxtooyada Galmudug Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Maanta Lagu Jabiyay Argagixisada Alshabaab.

Date:

War Qoraal ah oo kasoo Baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu Bogaadiyay Shacabka Geesiyaasha ah ee Saaka Casharka U Dhigay Nabad diidkii soo Weeraray Baxda.
Qoraalka soo Baxay Madaxtooyada Galmudug Ayaa Lagu Yiri.
“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay saaka iskaga difaaceen weerarkii ay argagaxisadu kusoo qaaday degmada Baxdo.
Dowladda Galmudug ayaa ku ammaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo.
Dowladda Galmudug waxa ay xaqiijinaysaa in weerarka kadib, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga kooxdii argagaxisada ahaa ee weerarka soo qaaday, iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah.
Dowladda Galmudug waxa ay ku tilmaamtay dagaalkii saaka lagu jabiyay kooxda argagixisada, mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii, madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday dagaalkii saaka”…

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...