Madaxweynaha Qaranka Oo Boggaadiyay Guushii Shacabka Baxdo Ka Gaareen Argagixisadii Soo Weerartay.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud sida naf-hurnimada leh oo ay isaga difaaceen argagixisada Alshabaab oo saaka weerar bahalnimo ah ku soo qaaday deegaankaas.

.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee Bulshada Baxdo iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarsiiyeen argagixisada soo weerartay ay muujinayso sida Shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh iskaga dulqaadaan dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan.

“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma-geeydada ah.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii ku shahiiday weerarkan iyagoo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda, sidoo kalena waxa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee ay waxyeeladu soo gaartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...